R/W Rooble oo la kulmay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen u diyaar garowga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha ayaa 15-ka bishaan ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loo adkeeyey amniga xaruntaasi oo 2017-kii lagu soo doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here