Sawirro: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulamo ka wada magaalada Geneva

0

GENEVA (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha bani’aadminimada Predrag Avramovic.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen taageerada Midowga Yurub iyo kaalintooda ku aaddan gurmadka dadka soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in ay kordhiyaan taageeradooda Soomaaliya, si looga jawaabo xaaladda bani’aadminimo ee ka dhalatay abaarta adag ee ka taagan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here