Cabdi Xaashi oo dib loogu doortay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare

0

MUQDISHO (SMN) – Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa markale dib loogu doortay Aqalka Sare, kadib doorasho maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa la tartmay musharixiinta kala aha Saalax Axmed Jaamac iyo Cismaan Abuukar Dubbe.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare Wwaxa uu Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi helay 28 cod, musharrax Saalax Axmed Jaamac ayaa isna helay 24 cod, halka wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe uu helay codad gaaraya 2 cod.

Sidoo kale waxaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ku soo baxay, Cali Shacbaan Ibraahin oo helay 28 cod, halka Cabdixakiin Macalin Axmed uu helay 25 cod.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galay doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here