Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay safiirka UK ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda  Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay, KFosterFCDO oo ah safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo doorashooyinka bilowday ee 2021-ka.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal iyo habsami u socodkiisa, maadaama UK iyo Soomaaliya ay leeyihiin iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu,” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana Villa Soomaaliya ay ka taagan  tahay xiisad u dhexeyso madaxweynaha i& ra’iisul wasaaraha, taas oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here