Sawirro: Shir ballaaran oo ka dhacay xarunta hay’adda SoDMA + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo ka dhacay xaruunta hay’adda, kaas oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan madaxda ganacsatada dalka oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Cali Gabeyre iyo Guddoomiyaha Midowga Bankiyada dalka.

 

Ujeeddada shirka ayaa ahayd furidda sanduuq dhaqaale loogu aruurinayo gargaarka deg-degga ah, si looga hor tago daadad ka dhasha roobabka Guga kuwaas oo sababi kara qasaaro kala duwan.

Dhinacyadu waxa ay isku raaceen muhiimadda uu xilligaan leeyahay furidda santuuqa, halka la go’aamiyay in Percentage gaar ah Hay’adda SoDMA looga qoodeeyo lacagaha ka soo xarooda badeecadaha dalka ka baxa iyo kuwa soo gala, in sakada oo dhan lagu shubo santuuqa si xaaladaha bani’aadannimo wax looga qabto, in ladhiso guddi maamula hantida kusoo dhacda sanduuqaas iyo in SoDMA maamusho shaqada guddiga oo ganacsatada iyo Hay’adda ay wada qabanayaan.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay khasaara kala duwan kuwaas oo ay sababeen Fatahaadihi El-Niñada ee gobollada qaar ka dhacay dhammaadkii 2023 iyo sida looga jawaabay.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay daadad xooggan oo kala jaray waddada xariirisa Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan degmada Wanlaweyn.

Ugu dambeyn, dhammaan ganacsatadu waxa ay soo wada dhaweeyeen furidda sanduuq dhaqaale iyaga oo ballan qaaday in ay garab taganyihiin hay’adda SoDMA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here