Wasiirka Warfaafinta XFS ahna Guddoomiyaha guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo Cismaan Obokar Dubbe ayaa kulan la qaatay hay’adaha amniga kana dhagaystay warbixin ku saabsan maalmaha muhiimka u ah Qaranka ee xorriyaddaha,
kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Warfaafinta ayaa looga hadlay hawlaha dardar gelinta maalmaha xoriyadda oo fooda inagu soo haya.



