Guddiga uu magacaabay Rooble oo yeeshay kulankii ugu horreeyey

0

Guddiga farsamada doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Arbaca yeeshay kulankii ugu horreeyey, waxayna uga ahdleen qorshe howleedka horyaalla ee loo igmaday.

Sidoo kale waxa ay diiradda ku saareen xubnaha guddigu kulankooda arimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si uu habsami ugu fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Sidoo kale guddigaan oo ka koobay illaa todobo xubnood ayaa waxa ay ra’iisul wasaaraha ka taageeri doonaan:

  1. In qodobadii heshiiska lagu gaaray shirkii Golaha wadatashiga Qaranka 27 ka May 2021 loo fuliyo si habsami ah.

2.Xiriirinta dhamaan hayadaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka si loo hagaajiyo habsami u xiriirka hayadaha wada shaqeynaayo

Si kastaba, guddigan Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay waxa ay shaqadoodu ku kooban tahay in ay farsamo ahaan gacansiiyaan guddiyadaas kor ku xusan si howlaha doorashada ugu qabtaan si daahfuran oo madax bannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here