Muqdisho – Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa saakay ku waabariistay bandow, kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya lagu arkay xaafado badan oo caasimadda ah.
Ciidamada oo wata gaadiid dagaal iyo hub culus ayaa xiray waddooyin muhiim ah iyo xaafado kamid ah magaalada, iyagoo ka hortagaya bannaanbax ay mucaaradku qorsheeyeen in maanta ay ka dhigaan Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada si gaar ah loo geeyay goobihii ay dowladda hore uga barakicisay qaar kamid ah shacabka, halkaas oo la filayay in isu soo baxyo ay ka dhacaan.
Sidoo kale, ciidamada ayaa xiray waddooyinka ku dhow xaafadaha ay deggen yihiin madaxda mucaaradka, taasoo sababtay in dad badan oo shacabka ah ay saakay lug ku maraan masaafooyin dheer kadib markii uu hakad galay isku socodkii gaadiidka dadweynaha.
Dadweynaha magaalada ayaa muujinaya walaac la xiriira xaaladda amniga iyo saameynta ay xannibaadaha waddooyinka ku yeesheen nolol maalmeedkooda.




