Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulanka guddiga joogtada + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

 

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa ansixinta iyo mudeynta furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka labadiisa aqal, iyagoo ay goob joog ahaayeen xubnaha guddiga, waxaana ugu horreyn warbixin ka jeediyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, isagoona mid mid u dul istaagay safaradii uu ku tagay Talyaaniga iyo Mareykanka, iyo safaro gaagaaban oo uu ku tagay qeybo ka mid ah dalka gudihiisa.

Fadhiga maanta ayaa ku soo gabagaboobay in kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u furmo Sabti 25-November-2023-ka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here