Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Madaxweynaha cusub + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) -Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo  hambalyo ugu tagay  madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen xildhibaanada Baarlamaanka ee labada Aqal.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay sidii loo sii wadi lahaa geedi socoda nabadda iyo siyaasadda Soomaaliya.

“Waxaan iska xog-wareysanay xaaladda dalka iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabadda iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah,” ayuu yiri Aadan Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here