Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan

0

Muqdisho — Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Dowladda Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, nabadeynta, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo dib-u-xoreynta degmooyinka ay qabsadeen Khawaarijta.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulanka ku wadaagay aragtiyo ku saabsan muhiimadda ay leedahay xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada, iyagoo adkeeyay dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-tashiga iyo iskaashiga siyaasadeed, si loo mideeyo dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada, dib-u-heshiisiinta iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, Aadan Xasan Maxamed (Usaama), Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Yuusuf Maxamed.May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here