Muqdisho — Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa si cad uga horyimid jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, kaas oo ay shaacisay Guddiga Doorashooyinka ee Dowladda Federaalka.
Golaha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu si adag u cambaaraynayo jadwalka doorashooyinka, isaga oo ku dooday in aan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaarin hannaanka doorashooyinka dalka. Golaha Mustaqbalka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid sii fogeynaysa suurtagalnimada heshiis laga gaaro doorashada, isla markaana dhaawacaysa dadaallada dhexdhexaadinta ee ay wadeen saaxiibada caalamka si loo helo heshiis siyaasadeed.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay caqabadaha waaweyn ee Soomaaliya wajahaysa, oo ay ka mid yihiin khatarta Al-Shabaab iyo Daacish, halista fatahaadaha El Niño, dhaqaale-yaraanta iyo loollanka sii xoogeysanaya ee gobolka. Goluhu wuxuu sheegay in caqabadahaas looga gudbi karo iskaashi iyo wada-shaqeyn, balse uu aaminsan yahay in go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu horseedi karo qalalaase siyaasadeed, colaad iyo hoos u dhac ku yimaada kalsoonida iyo wadajirka bulshada.
Waxa uu sidoo kale ku dooday in cawaaqibka ka dhalan kara doorasho hal dhinac ah ay durba ka muuqdaan colaadda ka socota Koonfur Galbeed iyo kala qaybsanaanta Hirshabeelle. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal dhab ah oo lagu gaaro heshiis loo dhan yahay, kaas oo lagu dejinayo hannaan doorasho iyo jadwal macquul ah oo la hirgelin karo.
Goluhu wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay inuu joojiyo tallaabooyinka hal dhinac ah, kuna soo laabto miiska wadahadalka. Waxa uu intaas ku daray in haddii uu ku adkaysto go’aankiisa, uu qaadi doono tallaabooyin kale oo dastuuri ah iyo kuwo siyaasadeed oo uu sheegay in lagu ilaalinayo xaqa shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaan sharciyad leh.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in qof ama koox gaar ahi aysan keligood go’aamin karin mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Goluhu wuxuu ka digay in khilaafka taagan uu horseedi karo hannaano doorasho oo is barbar socda, isaga oo mas’uuliyadda cawaaqibkaas dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo cid kasta oo taageerta tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwa hal dhinac ah.
Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shacabka ugu baaqay inay si wadajir ah uga hortagaan tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwo sharcidarro ah oo dastuurka baalmarsan, isla markaana khatar ku ah midnimada dalka, wadajirka ummadda, nidaamka federaalka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.
Goluhu wuxuu sidoo kale saaxiibada caalamka iyo daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya ugu baaqay inay ka qaybqaataan dadaallada lagu raadinayo heshiis siyaasadeed iyo ilaalinta mustaqbalka dowladnimada dalka.





