Sheekh Aadan Madoobe oo walaac ka muujiyey xaaladda amni ee Koonfur Galbeed

0

Muqdisho — Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa walaac ka muujiyey xaaladda amni ee deegaannada maamulka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo dadaallada ka dhanka ah ciidamada taabacsan laftagereen iyo sugidda amniga shacabka.

 

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyey kulan casho-sharaf iyo is-xogwareysi ah oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u sameeyey xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo deegaan-doorashadoodu tahay deegaannada Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan amniga, dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee lagu tilmaan ciidamada laftagareen iyo weerarrada ay kooxdu ka geysanayso deegaannada maamulka.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa xildhibaannada la wadaagay faahfaahin ku saabsan caqabadaha amni ee jira iyo dadaallada ay Dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jiraan sugidda amniga, xoreynta deegaannada ay kooxaha argagixisadu ku sugan yihiin iyo ilaalinta nafta iyo hantida shacabka.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xildhibaannada labada Aqal ay door muuqda ka qaataan taageeridda dadaallada maamulka ee la xiriira amniga, nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-tashiga iyo iskaashiga u dhexeeya hoggaanka Dowladda Koonfur Galbeed iyo xildhibaannada ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha jira, loona xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara oo ay ka faa’iidaystaan shacabka maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here