Ra’iisul Wasaare Xamsa: Waxaa naga go’an horumarinta iyo tayeynta hay’adaha qaranka

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay dib-u-soo celinta nidaamka caalamiga ah ee tigidhada diyaaradaha ee IATA-BSP, kaas oo Soomaaliya ay dib u hanatay 35 sano kaddib.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dib u soo celinta nidaamkan ay ka dhalatay dadaallo muddo dheer socday, dib-u-habeyn hay’adeed, diyaarinta xeerar iyo siyaasado, iyo tababbaridda shaqaale awood u leh inay la wareegaan mas’uuliyadaha maamulka hawada. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha, deyn-cafinta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo la wareegista amniga qaranka.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in isku-xirka hay’adaha dowladda iyo dib-u-dhiska awoodaha qaranku ay laf-dhabar u yihiin soo kabashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dalka uu leeyahay fursado maalgashi oo waaweyn, gaar ahaan gaadiidka, beeraha iyo wax-soo-saarka kala duwan, maadaama Soomaaliya ku taallo goob istaraatiiji ah oo isku xirta qaaradaha dunida.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa bulshada Soomaaliyeed tallaabadan weyn ee aynu maanta qaadnay. Waxaa naga go’an in la sii horumariyo oo la tayeeyo hay’adaha qaranka. Waxaan hubaa in aynu gaari doonno dunida horumartay ee aynu dib uga harnay 30-kii sano ee la soo dhaafay. Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in dalkeennu uu ku tallaabsado horumar baaxad leh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dadaallada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay dardargeliyaan horumarinta iyo tayeynta garoomada diyaaradaha, maamulka hawada dalka iyo adeegyada duulimaadyada.

Waxa uu sheegay in horumarinta adeegyadaasi ay muhiim u tahay kor u qaadista tayada adeegyada ay helaan shacabka iyo shirkadaha diyaaradaha, iyo xaqiijinta isku-xirnaanta Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.May be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here