Sheekh Shaakir oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca, kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo.

 

Ugu horreyn Sheekh Shaakir ayaa boggaadiyay doorka madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab, isaga oo madaxda kale oo ay ugu horreeyaan xildhibaanada iyo wasiirada ugu baaqay inay tegaan furimaha hore ee dagaalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab laga xoreeyay dhul ballaaran, loona baahan yahay in lasii wado howlgallada haatan ka socda dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo inta badan gobollada dalka ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Howlgalladan ayaa waxaa Al-Shabaab looga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo la filayo in wajiga labaad loo gudbo maamullada kale ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here