Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe oo shir nabadeed uga qayb-galay Biyo Cadde

0

BIYO CADDE (SMN) – Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeybgalay Shirweyne nabadeyn ah oo ka dhacay Magaalada Biya Cade ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Shirkaan nabadeed oo ay kasoo qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan Maamulka Degmada Mahadaay iyo Biya cade iyo Masuuliyiin kale ayaa lagu soo gunaanaday madmadow ka dhex jiray beelo walaalo ah oo wada dega Deegaanka Biyaha cade.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Maamulka iyo Bulshada deegaanka sida ay u maareeyeen gacan ka hadalkii ka dhacay deegaanka, Isagoo ugu baaqay bulshada Biya Cade inay xoojiyaan nabadda deegaanka iyo  wadajirka bulshada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here