Sidee Galmuudg ugu diyaar garowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab?

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirka warfaafinta Galmudug, Abshir Cali Shiiqow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay dhaq-dhaqaayada ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa shaaciyay in in ay si weyn ugu diyaar garoobeen duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Galmudug, si Al-Shabaab looga xoreeyo deegaaanada maamulkaas.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in heegan buuxa ay ku jiraan dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada, ayna dhowaan qaadi doonaan guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab.

Abshir Cali Shiiqow oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dagaalka koobaad uu ku wajahan yahay degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale uu dhow ee gobolka Galgaduud.

Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay in la’isku xiro dhammaan degmooyinka dhaca gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqyada ka billowday Galmudug ayaa qayb ka ah gulufka ay waddo dowladda ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here