Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Wasiirrada Gargaarka iyo Haweenka ee Koonfur Galbeed, ayaa maanta qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, u diyaar-garowga dhacdooyinka cimilada ee Super El Niño, iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku nool goobaha ay weli ka jiraan xaaladaha bani’aadannimo.
Labada dhinac ayaa xoogga saaray dardargelinta dadaallada looga hortagayo laguna yareynayo saameynta fatahaadaha, gaar ahaan xoojinta difaacyada webiyada iyo xiridda meelaha jilicsan ee halista ugu jira in biyuhu ka gudbaan.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka warbixiyay socdaalkii uu dhawaan ku tagay Gobolka Hiiraan, oo ka mid ah goobaha sida weyn ugu nugul fatahaadaha, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu badbaadinayo dadka iyo hantidooda.




