Taliyaha Guutada 21-aad iyo ciidamo tababar kusoo qaatay Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

0

Muqdisho – Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad ee Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, G/sare Maxamed Axmed (Korneyl Lacag), iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar heer sare ah kusoo qaatay dalka Turkiga.

 

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabiyeen hoggaanka Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, uuna hoggaaminayay G/sare Saahid Jaamac Faarax, ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Taliyeyaasha Guutooyinka 17-aad iyo 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo qeyb ka ahaa dhiirrigelinta iyo soo dhaweynta cutubyada cusub ee kusoo biiraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, G/sare Saahid Jaamac Faarax, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa soo dhaweeyay cutubyada ciidanka, isagoo sheegay in laga filayo inay si hufan uga qeyb qaataan gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa, Taliyaha Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa u mahadceliyay saraakiisha iyo ciidamada sida diirran usoo dhaweeyay, isagoo cutubyada cusub kula dardaarmay inay aqoonta iyo tababarka ay kusoo qaateen dalka Turkiga uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, isla markaana ay ilaaliyaan anshaxa iyo waajibaadka ciidanimo.

May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here