SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay halista fatahaadaha iyo xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya

0

MUQDISHO — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo diyaar-garowga fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka xooggan ee la xiriira dhacdada cimilada ee Super El Niño.

 

Kulanka waxaa ka qaybgalay George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadannimada Soomaaliya, iyo Crispen Rukasha, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA) ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixinta kulanka, dhinacyadu waxay si gaar ah uga wada hadleen khatarta fatahaadaha wabiyada, iyadoo la tixgelinayo calaamadaha muujinaya kororka heerarka biyaha iyo halista fatahaadaha ee deegaano dhowr ah.

Waxay sidoo kale isla falanqeeyeen sidii loo xoojin lahaa nidaamyada digniinta hore, gurmadka degdegga ah iyo isku-duwidda dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha fatahaadaha, loona hubiyo in taageeradu waqtigeeda gaarto dadka nugul ee ku nool goobaha halista ku jira.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday saameynta uu dagaalka maanta ka dhacay magaalada Buurhakaba ku yeelan karo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo iyo xaaladda dadka ay colaaddu saameysay.

Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay isku diyaarinayso khataraha ka dhasha roobabka xooggan iyo fatahaadaha, kuwaas oo halis gelin kara nolosha dadka, barakicin kara qoysas, isla markaana carqaladeyn kara gaarsiinta adeegyada iyo gargaarka degdegga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here