MUQDISHO – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Switzerland (SDC), oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socday xarunta dhexe ee hay’addaas.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo iyo khataraha musiibooyinka ee dalka, si gaar ah waxa diiradda loo saaray xaaladda abaarta, u-diyaargarowga saameynta El Niño, digniinaha hore, tallaabooyinka la sii odorosi karo, iyo sidoo kale xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo bah-wadaagta bani’aadannimada.
Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Switzerland (SDC) waxay ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada bani’aadannimada iyo xoojinta wada-shaqeynta.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la maalgeliyo nidaamyada qaran ee maaraynta musiibooyinka iyo in la xoojiyo awoodda hay’adaha dowladda, si dalka looga gudbiyo gurmadka ku saleysan falcelinta oo keliya, loona gudbo u-diyaargarow ku saleysan khataraha, tallaabooyinka hore iyo adkaysi waara.




