Somaliland oo xukun adag ku ridday askar geysatay fal kufsi ah

0

CEERIGAABO (SMN) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa maanta xukun xabsi ciidan ku ridday illaa afar askari oo ka tirsan ciidamada maamulkaasi.

Askartan ayaa waxaa lagu helay inay fal kusfi ah u geysteen gabar 13 sano jir ah, kaas oo bartamihii sanadkan ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in raggan lagu helay dambiga lagu soo eedeeyey, wuxuuna tilmaamay in lagu xukumay min 7 sano oo xabsi ciidan ah.

Goobta waxaa sidoo kale ku sugnaa waalidiinta gabadha yar iyo ehellada askarta la xukumay oo goob joog ahaa xukunka ay ridday maxkamadda ciidamada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here