Muqdisho – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Algeria, Mudane Yuusuf Axmed Xasan, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Dhiirrigelinta Dhoofinta Algeria, Prof. Kamaal Ruzeeq, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kordhinta suuq-geynta badeecadaha Algeria ee Soomaaliya, sahminta fursadaha dhoofinta badeecadaha Algeria iyo sidii loo dabooli lahaa baahiyaha suuqa Soomaaliya.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sameynta Golaha Ganacsiga Soomaaliya iyo Algeria, kaas oo la doonayo inuu xoojiyo xiriirka ganacsatada labada dal, dhiirrigeliyo hindisayaasha ganacsi ee wadajirka ah, isla markaana fududeeyo iskaashiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Algeria.




