Accra, Ghana – Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo ka dhacay magaalada Accra ee dalka Ghana.
Kulanka ayaa qabsoomay intii uu socday shirka 28-aad ee Kalfadhiga Gaarka ah ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika, iyagoo diiradda saaray sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac.
Sidoo kale, waxay is-dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha iyo horumarrada ka jira gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, iyo arrimaha u baahan iskaashi iyo wada-shaqeyn.




