MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada sahanka dhulka, khariidaynta juqraafiyeed iyo aqoonsiga khayraadka macdanta ee ku jira dhulka Soomaaliya, iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamad Xaashi Carabeey, ayaa xarunta Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Shiinaha (China Geological Survey) kulan kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Waaxda Sayniska, Teknoolojiyadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Zheng Xiongwei, iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, Agaasimaha Waaxda Sharciga ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Mudane Xuseen Cali Axmed, iyo xubno kale.
Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee ku saabsan fulinta sahanka iyo khariidaynta juqraafiyeed ee Soomaaliya (Geological Survey and Mapping), iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda casriga ah ee Remote Sensing iyo sawirrada dayax-gacmeedyada (Satellite Imagery), si loo helo xog cilmiyeed oo dhammaystiran oo ku saabsan khayraadka macdanta ee dalka.
Dhanka kale, khubarada Shiinaha ayaa kulanka ku soo bandhigay laba nooc oo teknoolojiyadda Sirdoonka Macmalka ah (AI) ah oo loogu talagalay sahanka iyo aqoonsiga macdanta. Sida ay khubaradu sheegeen, teknoolojiyaddan ayaa awood u leh inay falanqayso xogta macdanta ilaa qoto-dheer gaaraya 500 mitir, isla markaana ay aqoonsato illaa lix nooc oo ka mid ah macdanaha muhiimka ah (Critical Minerals).
Labada dhinac ayaa sidoo kale muujiyey rabitaan ku aaddan xoojinta iskaashiga farsamo, is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha, iyo hirgelinta barnaamijyo wadajir ah oo lagu horumarinayo sahanka juqraafiyeed iyo aqoonsiga khayraadka macdanta ee Soomaaliya.
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa sheegtay inay rajaynayso in iskaashigan uu dhawaan u gudbo marxaladda fulinta, si loo dardargeliyo sahanka khayraadka macdanta, loo helo xog cilmiyeed lagu kalsoonaan karo, isla markaana loo abuuro fursado maalgashi oo waara.
Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta horumarinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah, iyadoo xoogga la saarayo adeegsiga aqoon, teknoolojiyad casri ah iyo iskaashi caalami ah, si khayraadka dalka uu door muuqda uga qaato kobaca dhaqaalaha, abuurista fursadaha maalgashi iyo horumarinta bulshada.




