Doha, Qatar — Dowladda Soomaaliya iyo Spain ayaa isku raacay in la baaro suurtagalnimada bilaabista wada-tashiyo siyaasadeed oo rasmi ah, kuwaas oo lagu qaban karo Muqdisho ama Madrid, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Doha kula kulmay Xoghayaha Dowladda Spain u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Caalamiga ah, Diego Martínez Belío, intii ay socotay Madasha Caalamiga ah ee Amniga (Global Security Forum).
Labada mas’uul ayaa kulankooda kaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona horumarin lahaa wejiga xiga ee iskaashiga Soomaaliya iyo Spain, iyadoo iskaashiga dhinaca kalluumeysiga uu ahaa qodobka ugu muhiimsan ee wadahadallada.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku raacay in la qiimeeyo suurtagalnimada qabashada wada-tashiyo siyaasadeed oo rasmi ah, kuwaas oo abuuri kara hannaan joogto ah oo ay labada dowladood ku yeeshaan wadahadal iyo is-weydaarsi aragtiyeed.
Horumarkan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo ay ku ballaarinayso iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Yurub.





