Muqdisho — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz, oo ah Ku-simaha Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca, taageerada Mareykanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dardargelinta wada-shaqeynta labada dhinac ee dhinacyada amniga, tababarka iyo tayeynta awoodda ciidamada.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga milatari iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.




