Soomaaliya iyo Sri Lanka oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

0

ADDIS ABABA (SMN) – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa ku soo dhaweeyey safiirka Jamhuuriyadda Hantiwadaaga Dimuqraadiga ah Sirilaanka ee Ethiopia mudane KK Theshantha Kumarasiri.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, waxayna hoosta ka xariiqeen oo isla garteen kor u qaadista iskaashiga labada dowladood.

Sirilaanka ayaa kamid ah waddamada xiriirka wanaagdan laleh Soomaaliya, waxaana horay ay ciidamo boolis ah ugu doo dirtay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here