Wafdi Soomaaliyeed oo Booqasho Shaqo ku Tagay Dekedda Trieste ee Talyaaniga

0

Trieste, Talyaaniga – Wafdi uu hoggaaminayay Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalada Trieste ee gobolka Friuli Venezia Giulia ee dalka Talyaaniga.

 

Wafdiga waxaa ka mid ahaa Maareeyaha Guud ee Dekedaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Prof. Khalid Macow, Ku-xigeenka Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Talyaaniga iyo Mudane Cabdullaahi Xamud, Wasiiru-dowlihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Booqashada ayaa ku timid casuumaad uu fidiyay Dr. Ahmed Faghi Elmi, Guddoomiyaha ANOLF FVG APS, iyadoo qayb ka ahayd mashruuca FORLIS, oo uu taageero Gobolka Friuli Venezia Giulia, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga ee dhinacyada saadka dekedaha, waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Intii ay booqashadu socotay, wafdiga Soomaaliyeed ayaa kulamo la yeeshay hay’adaha Gobolka Friuli Venezia Giulia, Golaha Gobolka, Dowladda Hoose ee Trieste, Prefettura, Akadeemiyadda Badda Adriatico iyo maamulka Dekedda Trieste.

Kulamada ayaa looga hadlay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, waxaana arrimaha muhiimka ah ee la isla soo qaaday ka mid ahaa qorshe ku saabsan mataannaynta Dekedda Muqdisho iyo Dekedda Trieste, si loo xoojiyo iskaashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha dhinaca dekedaha iyo saadka.

Mashruuca FORLIS ayaa sidoo kale qorsheynaya in 14 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo ka kooban 7 gabdhood iyo 7 wiil, loo diyaariyo waxbarasho iyo tababar laba sano ah oo ku saabsan saadka iyo howlaha dekedaha. Marxaladda koowaad, dhallinyaradu waxay Muqdisho ku baran doonaan afka Talyaaniga.

Booqashada wafdiga ayaa lagu tilmaamay tallaabo lagu sii xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha Soomaaliya iyo Gobolka Friuli Venezia Giulia, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo waxbarashada, tababarka xirfadeed, badbaadada shaqada, horumarinta saadka dekedaha iyo abuurista fursado waara oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed.May be an image of the Oval Office and textMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here