Istanbul, Turkiga – Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan gaar ah kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Wasiirka Caddaaladda Akın Gürlek.
Kulanka ayaa ka dhacay intii uu Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku sugnaa Istanbul, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Shirweynaha Caalamiga ah ee Caddaaladda.
Labada wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada caddaaladda iyo garsoorka, dembi-baarista, horumarinta waxbarashada sharciga iyo casriyeynta nidaamyada caddaaladda iyadoo laga faa’iideysanayo teknoolojiyadda casriga ah.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha bahda caddaaladda, loona xoojin lahaa is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta ee labada dal.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan horumarinta adeegyada caddaaladda iyo kor u qaadista tayada hay’adaha garsoorka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii ballaariyo wada-shaqaynta labada dal, si loo horumariyo nidaamyada caddaaladda loona xoojiyo awoodda hay’adaha ku shaqada leh.




