Soomaaliya oo Dib u Xaqiijisay Mowqifkeeda Arrinta Qubrus

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay in mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aaddan arrinta Qubrus uusan wax isbeddel ah ku imaan, iyadoo xaqiijisay inay ixtiraamayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Qubrus.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in mowqifka dowladda uu ku saleysan yahay Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan Qaraarrada 541 ee 1983 iyo 550 ee 1984.

Wasaaraddu waxay sheegtay in qoraal shakhsi ah oo dhawaan lagu faafiyay baraha bulshada uusan matalin siyaasadda rasmiga ah ee Soomaaliya, isla markaana aan loo fasiran karin inuu yahay isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.

Sidoo kale, dowladda ayaa caddeysay in qoraalkaasi uusan ahayn aqoonsi loo sameeyay cid ama maamul gaar ah oo ka jira waqooyiga Qubrus.

“Ma jiro wax go’aan rasmi ah oo la qaatay oo lagu beddelay mowqifkii muddada dheer ee Soomaaliya ee ku aaddanaa qadiyadda Qubrus,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda sheegtay.

Soomaaliya waxay sidoo kale mar kale taageertay in khilaafka Qubrus lagu xalliyo si nabadeed, iyadoo loo marayo wada-hadal iyo heshiis ay labada dhinac gaaraan, lana adeegsanayo dadaallada dhexdhexaadinta Qaramada Midoobay, iyadoo la ixtiraamayo sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here