Soomaaliya oo ka qaybgalaysa Madasha 4-aad ee IGAD ee Maamulka Wanaagga oo ka furantay Nairobi

0

NAIROBI – Komishineer Farhan Mohamed Jimale oo matalaya Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya (NIHRC) ayaa maanta ka qaybgalay Madasha 4-aad ee IGAD ee dhinaca Maamulka Wanaagga, taas oo ka furantay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Madashan oo halkudhiggeedu yahay “Xoojinta Hay’adaha Dimuqraadiga iyo Dowlad-wanaagga si loo xaqiijiyo Nabad Waarta, Amni iyo Isdhexgal Goboleed oo ka hanaqaada dalalka ku jira Urur Goboleedka IGAD” ayaa waxaa ka qaybgalaya wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah IGAD, hay’adaha madaxa-bannaan, ururrada bulshada rayidka ah iyo bahwadaagta horumarinta.

Ujeeddada kulankan ayaa ah in la xoojiyo maamul-wanaagga iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka gobolka, iyadoo diiradda la saarayo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda, kor u qaadista kalsoonida dadweynaha iyo xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah ururka IGAD.

Inta ay socoto madasha ayaa si gaar ah looga doodi doonaa doorka muhiimka ah ee xuquuqda aadanaha, sarreynta sharciga iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee kormeerka ku leeyihiin dhismaha bulshooyin nabdoon, xasilloon oo awood u leh inay ka gudbaan caqabadaha kala duwan ee gobolka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here