BAYDHABO – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa shacabka ku nool deegaannada maamulka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo taageeridda ciidamada sugaya amniga.
Aadan Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyey garoonka ciyaaraha ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, halkaas oo uu boqolaal shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kala qeybgalay daawashada ciyaartii kama dambaysta ahayd ee tartanka Koobka Barwaaqo, oo ay ku tartamayeen kooxaha heerka koowaad ee magaalada.
Ciyaarta final-ka ah ayaa dhexmartay kooxaha Baaysom iyo Daaru-Salaam, waxaana koobka ku guuleysatay kooxda Baaysom oo rigoorayaal kaga adkaatay kooxda Daaru-Salaam.
Khudbad uu u jeediyey taageerayaashii ku sugnaa garoonka, ayuu Aadan Madoobe ku boorriyay shacabka inay door muuqda ka qaataan ilaalinta nabadda iyo xoojinta wadajirka bulshada, isaga oo tilmaamay in ciyaaruhu ay muhiim u yihiin mideynta bulshada, kobcinta walaaltinimada iyo dhisidda xiriirka ka dhexeeya dhallinyarada.
Sidoo kale, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa ballanqaaday in dowladdiisu ay dhammaystiri doonto adeegyada iyo baahiyaha ka maqan garoonka ciyaaraha ee Dr. Ayuub, si loo horumariyo kaabayaasha ciyaaraha loona abuuro dhallinyarada fursado ay ku soo bandhigaan kartidooda iyo hibadooda ciyaareed.
Daawashada ciyaarta waxaa Hoggaamiyaha kala qeybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka tirsan Golaha Shacabka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wasiirro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, maamulka degmada Baydhabo iyo saraakiisha amniga ee ka howlgala deegaannada maamulka.




