Kigali, Rwanda – Lataliye Sare Maxamed Mukhtar Cali, oo ka mid ah wafdiga Dowladda Soomaaliya, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Afrika ee Nidaamyada Cunnada 2026 (Africa Food Systems Forum 2026), oo ka socda magaalada Kigali ee dalka Rwanda.
Wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirweynaha ayaa ka kooban wakiillo ka socda Dowladda, bulshada rayidka ah iyo ganacsatada, kuwaas oo Soomaaliya ku matalaya doodaha iyo kulamada diiradda lagu saarayo horumarinta nidaamyada cunnada, adkeysiga bulshada iyo xal u helidda caqabadaha saameeya sugnaanta cuntada.
Lataliye Sare Maxamed Mukhtar Cali ayaa ka qeybgalay dood-cilmiyeed cinwaankeedu ahaa “Doorka Muhiimka ah ee Xogta iyo Adeegyada Macluumaadka Dijitaalka ah”, isagoo si gaar ah uga hadlay muhiimadda xogta saxda ah, waqtigeeda iyo adeegyada macluumaadka dijitaalka ah ee lagu taageerayo go’aan-qaadashada iyo maaraynta masiibooyinka.
Mudane Maxamed Mukhtar ayaa sheegay in SoDMA ay ka shaqaynayso horumarinta nidaamyo lagu xaqiijinayo in Dowladda Soomaaliya ay yeelato lahaanshaha buuxa iyo maaraynta xogaha la xiriira maaraynta masiibooyinka, iyadoo si dhow ula shaqaynaysa hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah ee kala shaqeeya arrimaha xogta, maaraynta masiibooyinka iyo horumarinta nidaamyada dijitaalka ah.
Shirweynaha Afrika ee Nidaamyada Cunnada 2026 ayaa ah madal muhiim ah oo ay isugu yimaadaan dowladaha Afrika, hay’adaha caalamiga ah, bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo bahwadaagta horumarinta, si looga wada hadlo xalal waara oo la xiriira nidaamyada cunnada iyo adkeysiga bulshooyinka Afrika.





