Soomaaliya oo kulan diyaargarow ah u qabatay shirka madaxda socdaalka ee EAC

0

Muqdisho, Soomaaliya – Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Isak Ibrahim (Fatiir), ayaa kulan la yeeshay agaasimayaasha iyo mas’uuliyiinta sare ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, si ay dib ugu eegaan diyaar-garowga shirka madaxda socdaalka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo la filayo inuu ka dhaco magaalada Kampala ee dalka Uganda.

 

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta ballanqaadyada socdaalka ee EAC, iswaafajinta habraacyada socdaalka iyo diyaarinta sidii baasaboorka elektaroonigga ah ee jiilka saddexaad ee Soomaaliya loogu gudbin lahaa dowladaha xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo diyaar-garowga ka qaybgalka shirarka heer gobol, iyadoo la doonayo in la dardargeliyo fulinta heshiisyada iyo ballanqaadyada la xiriira iskaashiga dalalka xubnaha ka ah EAC.

Sidoo kale, kulanku wuxuu muujinayaa sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta is-dhexgalka gobolka, fududeynta isu-socodka dadka iyo horumarinta nidaamyada socdaalka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan fursadaha ka dhasha xubinnimada Bulshada Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here