Muqdisho – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan wadatashi ah oo ku saabsan hindise-sharciyeedyada Xabsiyada iyo Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee 2026.
Guddiga ayaa kulanka waxaa ku matalay Maxamed Xasan Abshir (Mohamed Hassan Abshir), oo ah Agaasimaha Waaxda Ilaalinta, Horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyo Tababarka, iyo Maxamuud Sheekh Cali (Mohamud Sheikh Ali), oo ah La-taliyaha Guddiga.
Ka-qaybgalka Guddiga ayaa salka ku haya waajibaadkiisa sharciyeed ee la xiriira ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo in labada hindise-sharciyeed ay waafaqaan Dastuurka Soomaaliya, shuruucda dalka iyo heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Guddiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in sharciyada Xabsiyada iyo Ciidanka Asluubta ay dhowraan karaamada aadanaha, xuquuqda dadka xiran, isla markaana ay ka hortagaan jirdilka iyo tacaddiyada ka dhanka ah maxaabiista.
Sidoo kale, Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in hindise-sharciyeedyadani ay door muhiim ah ka qaadan karaan xoojinta nidaamka caddaaladda, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha ku shaqada leh maamulka xabsiyada iyo ilaalinta xuquuqda dadka xiran.



