Wasaaradda Amniga Gudaha oo qabatay kulan ku saabsan kormeerka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha amniga

0

Muqdisho – Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Yuusuf Faarax (Siyaasi), ayaa shir-guddoomiyey kulan hordhac ah oo looga tashanayey diyaar-garowga kulanka Khariidaynta Kormeerka iyo Isla-xisaabtanka Hay’adaha Amniga Gudaha, kaas oo la qaban doono 24-ka Nofeembar 2026.

 

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay agaasimayaasha waaxyaha iyo la-taliyeyaasha Wasaaradda, waxaana diiradda lagu saaray mideynta aragtiyada ku saabsan waajibaadka iyo masuuliyadaha Wasaaradda iyo hay’adaha hoos yimaada, dejinta qaab-dhismeedka go’aan-qaadashada iyo xoojinta doorka hoggaaminta istiraatiijiyadeed.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa hannaan mideysan oo lagu xaqiijinayo kormeer wax-ku-ool ah, isla-xisaabtan hufan iyo isku-duwidda hawlaha hay’adaha amniga.

Ugu dambayn, Ku-simaha Agaasimaha Guud ayaa agaasimayaasha ku boorriyey inay dardargeliyaan hawlaha mudnaanta u leh hay’adaha amniga, isla markaana xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-duwidda, si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda iyo gaarista hadafyada loo asteeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here