SSC-Khaatumo oo soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Golaha Ammaanka

0

LAASCAANOOD (SMN) – Hoggaanka sare ee SSC-Khaartumo ayaa soo dhaweeyay go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM oo dalbaday in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan aagga Laascaanood, si dagaalka looga joojiyo, shacabkana loogu gurmado.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay SSC ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka Qaramada Midoobay ee ku aadan bixitaanka ciidamada Somaliland.

Sidoo lale waxa ay SSC shaacisay inay ayideyso mabaadiida QM ee gargaarka bini’adamnimo isla-markaana kala shaqaynayso in dadka la gaarsiiyo gargaar aan la carqaladayn.

“Qoraalka maanta ee Golaha Ammaanku waa talaabo muhiim ah oo ku aadan sugida nabada waqooyiga Soomaaliya, Golaha Sarre waxa uu markastaba ku baaqayay in maleeshiyaadka Somaliland ay ka baxaan dhulka SSC, taasi oo ah jidka kali ah ee nabada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka ee SSC-Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here