Taliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxii Ceelasha Biyaha

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii saaka ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Doodishe ayaa sheegay in bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa in Al-Shabaab ay ka fuliso Muqdisho, balse ay u suurageli weysay kadibna ay qarxiyeen xero ku taalla halkaasi.

“Saaka abaare 05:30 AM ayeey Khawaarijtu sidii caadada u aheyd gaari ay soo maduufikeeyeen oo ay biro iyo qaraxyo ku soo rareen oo ay la rabeen in ay Caasimada soo galiyaan, ayaa markii ay fursad u waayeen si nafti halignimo ah ay ugu qarxiyeen fadhigii Ciidanka Sugida iyo Xoojinta Amniga Caasimada” ayuu yiri Sadiiqa Aadan Cali (Doodishe).

Afhayeenka oo sii hadlay ayaa xaqiijiyay in qraaxaan ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof, ayna ku dhaawacmeen 9 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

“Qasaaraha uu qaraxaasi reebay ayaa ah dhimashada 6 qofood (4 Ciidanka ah iyo 2 shacab ah) dhaawacyada ayaa ah 9 qofood (5 Ciidanka ah iyo 4 shacab ah)” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo saaka Al-Shabaab ay sheegatay in qaraxaas ay ku dishay 49 askari, ayna ku burburisay xero ay ku sugnaayeen ciidanka xasilinta caasimadda ee boolis-milataaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here