Taliska Booliska oo shaaciyey khasaaraha qaraxii Ceelgaabta

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku taal barkoontarool.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa shaaciyey inay qaraxan ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof ayna ku dhaawacmeen sagaal kale.

Sidoo kale dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah shaqaale dowladeed, askar, dad shacab ah oo ay ka mid ahaayeen hooyo iyo laba caruur ah oo wadatay.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay la beegsatay mas’uuliyiin iyo saraakiil ku sii jeeday madaxtooyada.

Si kastaba, qaraxan ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay nawaaxiga Villa Baydhabo oo ku taallo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here