Taliska Gobolka Banaadir oo Beeniyey Wararka Laga Faafinayo Baraha Bulshada

0

Muqdisho – Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa bulshada Caasimadda Muqdisho ku wargeliyey inaysan waxba ka jirin wararka baraha bulshada lagu faafinayo ee sheegaya in la xirayo waddooyinka waaweyn, isla markaana hakad la gelinayo isu socodka magaalada.

 

Taliska ayaa bulshada ka codsaday inaysan ku qaldamin wararka aan la xaqiijin ee lagu faafinayo baraha bulshada iyo meelaha kale, ayna ku tiirsanaadaan oo keliya xogta rasmiga ah ee ay soo saaraan hay’adaha amniga.

Booliiska Banaadir ayaa sheegay in isu socodka guud ee Caasimadda Muqdisho uu u socdo si caadi ah, isla markaana uusan jirin amar guud oo lagu xirayo waddooyinka ama lagu hakad gelinayo isu socodka bulshada.May be an image of clarinet, saxophone and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here