Taliyaha Ciidamada Asluubta oo xildhibaan loo doortay

0

BAYDHABO (SMN) – Magaalada Baydhabo ee xatunta gobolka Baay waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada oo lagu billaabay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#172 ayaa waxaa ku soo baxay taliyaha Ciidamada Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Sidoo kale Xaawo Sokor Cali ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#047 iyada oo heshay 79 cod, halka Fadumo Maxamed Isaaq ay heshay 18 cod.

Si kastaba, qorshaha ayaa ah in maanta oo ah 15-ka March ay Koonfur Galbeed soo gabagabeyso doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here