Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo gaaray Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad gobaleedka Galmudug, xili halkaas Ciidamada Qalabka sida ay ka wadaan hawlgallo lagu sugaya ammaanka guud ee deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

General Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, ayaa la filayaa in ay la kulmaan Madaxwaynaha Galmudug iyo saraakiisha talisyada kale.

Sidoo kale waxa uu kormeeri doonaa xarumaha ciidamada, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howl-gasha gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here