Taliyaha ciidamada Xoogga oo gaaray magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Wafdi uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Odowa Yuusuf Raage ayaa safar Ku tagay magaalada kismaayo ee xarunta kumeel Gaadhka u ah Dowlad goboleedka Jubbaland.

Garoonka waxaa kusoo dhaweeyey masuuliyiin uu hor kacayo Wasiirka Wasaarada amniga dowlad goboleedka Jubbaland Gen Yusuf Cusman Dhumaal & saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Soo dhawayn ka dib ayaa waxaa waftiga Taliyaha loo galbiyey Aqalka Madaxtooyada Jubbaland halkaa oo uu ku dhaweeyey madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here