Baydhabo – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Baydhabo kormeer ugu tegay ciidamo ka tirsan XDS oo tababarkooda ku dhammeystay magaalada.
Taliyaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xerada ay ciidamada ku qaadanayaan tababarka, isagoo warbixin ka dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha gacanta ku haya tababarka.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa wax ka weydiiyay heerka uu marayo tababarka, noocyada tababarrada ay ciidamada qaateen iyo farsamooyinka milatari ee la baray.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada dadaallo lagu tayaynayo ciidamada, si ay u yeeshaan awood iyo diyaar-garow ku filan oo ay ugu gutaan waajibaadka Qaran ee saaran.





