MUQDISHO – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ka digay in bixitaanka ciidamada Afrikaanka ah ee howlgalka AUSSOM, haddii uusan ku imaan qorshe iyo kala dambeyn, uu sababi karo in kooxda Al-Shabaab ay dib ula wareegto magaalooyin istaraatiiji ah iyo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla Soomaaliya.
Digniintan ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, kaddib shirkii 1,380-aad oo goluhu ku yeeshay magaalada Addis Ababa 25-kii Nofeembar 2026, kaas oo looga hadlay xaaladda amni iyo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Goluhu wuxuu sheegay in bixitaanka degdegga ah ee ciidamada, gaar ahaan haddii ay sabab u tahay dhaqaale yari, isla markaana aan lagu saleyn qorshe wadajir ah oo si tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed, uu abuuri karo firaaqo amni oo ay Al-Shabaab ka faa’iideysan karto.
Bayaanka ayaa si gaar ah looga digay suuragalnimada in Al-Shabaab ay dib ula wareegto magaalooyin muhiim ah iyo waddooyinka isku xira deegaannada kala duwan, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka ciidamada iyo gaadiidka sahayda, arrintaas oo halis gelin karta guulihii amni ee sannadihii lasoo dhaafay la gaaray.
Midowga Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in dhimista iyo bixitaanka ciidamada AUSSOM lagu saleeyo xaaladda amni ee dhulka iyo awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ay kula wareegi karaan mas’uuliyadda amniga goobaha ay ka baxayaan ciidamada Afrikaanka ah.
Sidoo kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa soo dhoweeyay qorshe saddex marxaladood ah oo lagu dhimayo joogitaanka ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya. Marxaladda koowaad ayaa soconaysa inta u dhexeysa Nofeembar iyo Diseembar 2026, halka marxaladda labaad ay bilaabanayso Janaayo 2027 kuna eg tahay Diseembar isla sannadkaas, waxaana marxaladda saddexaad la qorsheeyay inay bilaabato wixii ka dambeeya 2027.
Goluhu wuxuu sidoo kale xusay in mas’uuliyadda amniga shan goobood oo ay horay uga howlgeli jireen ciidamada howlgalka Midowga Afrika lagu wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku jiraan saldhigyo ciidan oo ku yaalla goobihii hore ee dagaalka.
Waxaa sidoo kale la dalbaday in Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada ay khuseyso ay sameeyaan qiimeyn wadajir ah oo ku saabsan xaaladda amni, si loo xaqiijiyo in goobaha kale ee qorshuhu khuseeyo mas’uuliyaddooda lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed ugu dambeyn bisha Sebtembar 2027.
Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dowladaha kale ee taageera howlgalka inay sii wadaan taageerada dhaqaale iyo saadka ee ciidamada AUSSOM, si looga hortago in dhaqaale yari ay keento hoos u dhac ku yimaada howlgalka iyo awooddiisa shaqo.
Digniinta Midowga Afrika ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay weli dagaal kula jirto Al-Shabaab, iyadoo wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ciidamada Afrikaanka ah iyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed ee la wareegidda goobaha ay ka baxayaan ay yihiin arrimaha muhiimka u ah qorshaha amniga dalka.




