Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo bogaadiyey amniga magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa bogaadiyey xaaladda amni ee magaalada Baydhabo, kaddib markii halkaasi lagu qabtay ciyaar kubbadda cagta ah oo ay ka soo qeybgaleen kumannaan qof oo ka mid ah bulshada magaalada.

 

Ciyaarta oo dhexmartay laba kooxood ayaa waxaa si weyn u soo daawasho tagay shacabka Baydhabo, taas oo muujisay sida ay muhiim ugu tahay bulshada helitaanka amni iyo xasillooni u saamaxaya inay si xor ah uga qeyb qaataan munaasabadaha bulshada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa bogaadiyey amniga lagu qabtay munaasabaddaasi, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay sugidda nabadgelyada iyo abuurista jawi ay bulshada ku wada kulmi karto.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka qaata sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, iyaga oo dadaal ugu jira sidii loo xaqiijin lahaa xasilloonida iyo amniga guud ee dalka.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here