MUQDISHO, Soomaaliya — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada dowladda ee ku sugan duleedka magaalada Baraawe ugu baaqay inay xoojiyaan dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, laguna sugayo amniga deegaannada laga xoreeyo kooxda.
Taliyaha ayaa halkaas kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 8-aad ee Qaybta 60-aad iyo Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Qaybta 1-aad.
Intii uu la hadlayay ciidamada, ayuu u jeediyey dardaaran iyo dhiirrigelin ku saabsan gudashada waajibaadka qaran ee saaran, isaga oo adkeeyey muhiimadda feejignaanta, geesinnimada iyo isku-duubnida ciidamada.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan diyaar-garow buuxa, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadkooda, kana faa’iideystaan fursad kasta oo ay ku wiiqi karaan awoodda Al-Shabaab.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sugidda amniga deegaannada laga xoreynayo kooxda iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada ku boorriyey inay sii xoojiyaan dadaalkooda, muujiyaanna karti, adkaysi iyo waddaniyad, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah, ammaan ah, midaysan, kana xor ah Al-Shabaab.
Booqashada Taliyaha ayaa ku soo beegmaysa xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo muddo ka badan 15 sano dagaal kula jirtay dowladda federaalka.



