Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer shaqo ku tagay magaalada Baraawe

0

Baraawe – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo kulammo la qaatay saraakiisha ku sugan magaalada.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyaha ayaa ciidamada kala hadlay muhiimadda ay leedahay gudashada waajibaadka qaran, adkeynta heeganka iyo ilaalinta amniga. Waxa uu sidoo kale saraakiisha ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee magaalada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran, iyo howlaha ay ciidamadu ka wadaan halkaas.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu qiimeynayo xaaladda iyo diyaar-garowga ciidamada, xoojinta amniga iyo kor u qaadista tayada iyo hufnaanta howlgalka cutubyada ku sugan furimaha dalka.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here