Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Labada Dal

0

Muqdisho – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Kubai Iringo.

 

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, iyo xoojinta Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Labada Dal, si uu u noqdo hannaan muhiim ah oo lagu xaqiijiyo mudnaanta iyo danaha ay wadaagaan labada dowladood.

Soomaaliya iyo Kenya oo ah dalal deris ah, isla markaana ka wada tirsan Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa ku howlan xoojinta xiriirkooda iskaashi, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo ay ka faa’iideystaan shucuubta labada dal.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here